Till navigation Till innehåll (s)

Skolansökan på somaliska

Waxaa la gaadhay wakhtigii aad booska dugsiga ka codsan lahayd ee dayrta 2023

Waxaa la gaadhay wakhtigii aad booska waxbarashada dugsiga xannaanada iyo dugsiga dhexe aad codsand lahayd ee sanad dugsiyeedka 2023/2024. Mudada codsiga waxay bilaabmaysaa Janaayo 10 ilaa Janaayo 31, 2023. Wakhti aad doonto ayaad codsan kartaa inta lagu jiro mudadan. Wakhtiga aad codsato ma saamayn doono booska ilmahaaga, laakiin, waxaa muhiim ah inaad codsiga soo gudbiso. Waad samayn kartaa codsigaaga wakhti kasta muddadaas.

Waa inaad arjiga soo gudbisaa wakhtigan hadii ilmahaaga:

  • uu bilaabayo fasalka xannaanada wakhtiga dayrta 2023;
  • uu dhiganaayo dugsi aan waxbarasho siinaynin ilmaha sanad dugsiyeedka soo socda;
  • uu doonayo inuu bedalto dugsiga, inkasta oo dugsigooda wakhtigani uu bixinaayo waxbarasho sanad dugsiyeedkan ah ilmaha.

Marka aad codsanayso boos dugsiga, waa inaad sheegtaa dugsigaagii hore. Qoraalku waxa uu kadibna ku salaysnaan doonaa rabitaankaaga, boosaska la heli karo ee dugsiga iyo shuruucda qoraalka wakhtigan.

Samee sida soo socota

Booqo websaytka dawlada hoose www.sollentuna.se/skolansokan Websaytka waxaa laga heleyaa macluumaad muhiim ah oo talaabooyinka la qaadayo ah, iyo inuu kugu xidho adeeg online ah.
Si aad u gasho:
Waxaad ku geli kartaa aqoonsigaaga elektorooniga ah ama BankID.
(Wixii macluumaad ee dheeraad ah ee ku saabsan aqoonsiga elektorooniga ah waxaad ka heli kartaa www.e-legitimation.se)
Hal waalid ayaa dalban kara booska dugsiga, laakiin dhamaan koriyayaashi waa inay aqbalaan ku darida dugsiga cusub. Sidoo kale, labada waxaa lasiin doonaa macluumaad joogto ah oo iimeel loogu diro ama cinwaanka duwaan gelinta.

Dugsiyadu waxay ku yaalaan Dawlada Hoose ee Sollentuna

Waxaa jira dugsiyo ay dawlada hoose leedahay iyo kuwo gaar loo leeyahay Sollentuna. Macluumaadka dugsiyada kala duwan waxaa laga heli karaa websaytka dawlada hoose ee: www.sollentuna.se
Iyada oo aan loo eegeynin nooca dugsiga ee aad dalbanayso, arjiga waa in loo adeegsadaa adeeg online ah ee arjiga ku jira websaytka dawlada hoose.

Dugsiyada dawlada hoose

Guddiga waxbarashada (Utbildningsnämnden) Dawlada Hoose ee Sollentuna ayaa ka masuul ah dugsiyada dawlada hoose, waxayna qaateen shuruucda ka waajiba qorista. Wixii macluumaad ah oo dheeraad ah, booqo www.sollentuna.se/skolansokan

Dugsiyada madaxa bannaan

Dugsiyada garka oo leeyhaay waxay leeyihiin shuruuc u gar ah oo liiska ardayda sugaya ah iyo qoraal. Dugsiga ula soo xidhiidhi wixii su’aalo ah kahor inta aanad dalban boos dugsiga si aad wax uga ogaato shuruucda saamayn karta dugsiga gaarka ah ee uu leeyahay. Xasuusnaw waa inaad markasta isku duwaan gelisaa online ayaan adeega ay dawlada hoose bixiso.

Fasalada macluumaadka gaarka ah

Dugsiyada qaar ayay yihiin macluumaad gaar ah dhamaan ama qayb kamid ah barnaamijyadoodu. Sharciyo gaar ah ayaa ka waajiba qorista, tusaale ahaan, imtixaanka fadhiisiinta. Waxaad ka heli kartaa dugsiyadan websaytka dawlada hoose. Hadii ilmahaaga la aqbalo, waxaad kusoo wargelin doona dugsiga. Ha iloobin inaad arjiga ku dalbato adeega onlineka ah.

Dugsiga hoose ee ardayda laxaadka la’

Arjiyada u saabsan waxbarashada dugsiga hoose ee ardayda laxaadka la’ iyo hawlaha dugsiga kadib ee ardaydan waxaa toos loogu diri karaan dugsiga. Wixii macluumaad dheeraad ah ee dugsiyada hoose ee ardayda baahida gaark ah, kala xidhiidh xafiiska waxbarashada (Utbildningskontoret) +46 (0)8 579 216 29. Si aad macluumaad dheeraad ah uga ogaato waxbarashada dugsiga hoose ee ardayda laxaadka la’, booqo www.sollentuna.se.

Hawlaha dugsiga kadib

Hawlaha dugsiga kaidb waxaa heli kara caruurta ku jira waxbarashada dugsiga kahor ilaa fasalka 6. Waxaad dalban kartaa hawlaha dugsiga kadib isla marka aad dalbanayso booska dugsiga. Marka aad geshid adeega onlineka ah oo aad buuxisid arjigaaga, waxaad u dalban kartaa hawlaha dugsiga kadib ilmahaaga. Adeegyadan waxaa la qaadaa kharash, waxaana jirtaa xadi ugu badan oo la qaado. Wixii macluumaad dheeraad ah, booqo www.sollentuna.se/regler-och-avgifter
Laga bilaabo seemistarka dayrta ee 2023, ilmahaaga waxaa boos laga siin doonaa hawlaha dugsiga kadib iyadoo bilaaban Ogoosto 1, 2023.

Siday wax noqonayaan intaa wixii ka danbeeya?

Marka la gaadho dhamaadka mudada arjiga, waxaa bilaabmaya nidaamka qoraalka. Waxaa heli doontaa wargein Maarso/Abriil (taariikhda rasmiga ahna waxaa la gelin doonaa www.sollentuna.se). Meelaha la isku qoray waa inay cadeeyaan dhamaan koriyayaashu. Hadii aad dirtay arji waajib ah oo dugsiga oo ilmahaaga ah, wargelinta laguu soo dirayo waa inaad saxeexdaa oo aad usoo celisaa dugsiga. Hadii aad dalbatay boos dugsiga ah oo ilmahaaga ah maadaama oo aad usoo guurayso dawlada hoose, ama hadii ilmahaaga uu badalao dugsiyada, dhamaan koriyayaashu waa inay aqbalaan qoraalka iyaga oo adeegsanaya adeega onlineka ah ee dawlada hoose. Macluumaadka kani waxaa uu la socon doonaa wargelinta.

Dalbashada waxbarashada luuqadaada hooyo ku baxaysa

Waxaad ilmahaaga kujira fasalka 1-9 u dalban kartaa waxbarasho ku baxaysa luuqadaada hooyo ilaa iyo laga gaaro 1-da Abriil 2023.Markaad sameysid arjigaaga iskuulka, waxaad fursad u leedahay inaad codsato luuqadaada hooyo.Foomka arjiga waxaa sidoo kale laga heli karaa websaytka Dawlada Hoose ee Sollentuna kaas oo wata cintaanka “Modersmål”. Waxaa ka masuul ah koriyaha inuu dalbado waxbarashada ku baxaysa luuqadiisa hooyo.
Ardayda waxaa lasiin doonaa waxbarashada ku baxaysa luuqadiisa hooyo hadii:

  • hadii mid ama labadiisa waalid ay u dhasheen luuqad kale oo aan Swedish ahayd;
  • ardaygu uu aqoon u leeyahay luuqada laga hadlayo;
  • ardaygu uu maalin kasta adeegsado luuqada si uu dadka ugula xidhiidho
  •  waxaa ugu yar oo dalban kara shan sarday ah waxbarashada luuqaqan oo dawlada hoose ku nool;
  • uu jiro macalin ku munaasab ah luuqadan laga hadlayo.

Ardayda u dhasheen mid kamid ah luqada tirada yar ee qaran ee Sweden waxay leeyihiin xuquuq dheeraad ah oo ah inay wax ku bartaan luuqadooda hooyo. Looma baahna wax heer aqooneed oo ugu hoose ah, waxaana lagu baran karaa laga bilaabo ilaa heerka bilawga. Luuqadaha yar ee qaran waa Meänkieli, Finnish, Romani, Sami iyo Yiddish.

Caruurta cid kale korsado waxaa laga dhaafay sharciga ah in ay luuqada maalin kasta ku hadlaan ah. Waxaa loo baahan yahay inuu fahmi karo luuqada.

Helitaanka kombuyuutar

Haddii aad u baahan tahay kombuyuutar waxaad isticmaali kartaa kuwa ku yaal maktabadda degmada.

Wixii macluumaad dheeraad ah

Si aad u daawato filinka aanu ka samaynay dalbashada booska dugsiga, booqo www.sollentuna.se/skolansokan si aad u codsato boos dugsi. Waxaa sidoo kale la xidhiidhi kartaa xarunteena xidhiidhka adiga oo iimeel u diraya kontaktcenter@sollentuna.se, ama kala hadlaya +46 (0)8-579 210 00.